Sida Risaala warka ku heleyso Darawal ka mid ah Darawalada Mootada Bajaajta ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu u geeriyooday risaas uu qeybta sare ee jirkiisa kaga furay askari.
Askariga ayaa Bajaajlaha ku dilay gudaha degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaana war Risaala heshay uu tibaaxaya in askariga dilka geystay uu saarnaa Mootada uu watay Darawalka uu dilay.
Askariga iyo Bajaajlaha uu dilay ayaa isku maan dhaafay oo ku murmay lacagta Moota raaca, waana sababta uu risaasta uu ugu furay.
Askasriga dilak geystay ayaa isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay, waxaana Muqdisho badi ka dhaca dilalka askarta ay u geystaan Darawalada Bajaajlayaasha.



