Hirshabeelle: Gudoomiye degmo oo xilka laga qaaday & mid cusub oo la Magacaabay

Wasiirka Arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa wareegto uu maanta oo saaray ku sameeyay xil ka qaadis gudoomiye degmo iyadoo uu isla wareegtadaasi ku magacaabay gudoomiyihii bedeli lahaa.

Ugu horeyn wareegtadaasi ayaa waxaa xilka lagaga xayuubiyay gudoomiyii hore ee degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan, waxaana gudoomiyaha cusub ee degmadaasi loo magacaabay Cabdiqaadir Cabdi Cabdullaahi.

Wasir Caadle ayaa wareegtadaasi ku sheegay in sababta xilka lagaga qaaday gudoomiyihii hore ee Jawiil ay tahay in howlihii loo igmaday uu kasoo bixi waayay oo ay xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Jawiil ay cabasho kasoo gudbiyeen.