Higuain oo hiigsi cusub ka bilaabay Horyaalka England

Gonzalo Higuain oo xalay goolkiisii ugu horeey u dhaliyay naadiga Chelsea.

Sidoo kale goolka koowaad waxa uu ahaa goolkiisii ugu horeeyay uu Stamford Bridge ku dhaliyo laba gool ayuuna ku lug lahaa shantii gool ay Blues kaga adkaatay naadiga Hudresfield.

Gonzalo Higuain wuxuu noqday cayaaryahanka labaad ee Argentina u dhashay kaasi oo horyaalada Spain, Italy iyo England goolal ka dhaliyo 20-ka sano ugu dambeesay waxaana darajadaas kaga horeeyay Daniel Osvaldo.

Gonzalo wuxuu La Liga ka dhaliyay 107-gool halka Serie A uu ka dhaliyay 117-gool sidoo kalena EPL 2-gool ayuu diiwaankiisa ka bilaawday.

Higuain ayaa Haatan U Muuqda Mid Sifiican Ula Qabsaday Kooxda Chelsea.

Kulankiisa xiga waxa uu la ciyaari doonaa Kooxda Man City Ciyaartaas oo dhici Doonta Axada Soo Aadan.