Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka caawa inaga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ururka Al-Shabaab ay afar nin ku dileen deegaanka Buula-fuulay ee gobolkaasi.
Afartaasi nin ayaa lagu eedeeyey basaasnimo iyo in ay la shaqyanayeen sirdoonka Maraykanka iyo Kenya.
Afarta nin ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegeen in uu ku jiro nin lagu tuhunsan yahay in uu lug ku lahaa duqeyntii lagu dilay hogaamiyihii hore ee ururkaasi Axmed Cabdi Godane iyo Cabdishakur Tahliil iyo Yuusuf Dheeg oo iyagana ahaa taliyayaal ka tirsan Al-shabaab oo bilihii December 2014 iyo Febrayao 2015-kii lagu dilay duqeyn cirka ah.
Diyaaradaha dalalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa maalmihii udambeeyay waxa ay duqeymo ka sameynayeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay bartilmaameed ka dhiganayeen fariisimaha Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolkaasi.


