Dagaal ka socda degaan katirsan Gobolka Mudug

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo is kaashanaya iyo Al-Shabaab ayaa ka socda Bariga Magaalada Bacadweyne ee koonfurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalkaan guulowaaweyn laga gaaray isla markaana Al-Shabaab laga saaray goobihii uu ka dagaalamayay.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalka, sidoo kalena howlgallada ay sii socon doonaan.

Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com.