Dadkii ugu badnaa oo ka barakacay dagaal ka dhacay duleedka Balcad

Waxaa laga deyrinayaa nolosha boqollaal qoys oo ka barakacay tuulooyinka Mareerey iyo Mukay Dheere oo kuyaalla duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaddib markii ururka Al-shabaab ay dab qabadsiiyeen tuulooyinkaas.

Qoysaskaas oo soo gaarey magaalada Balcad, ayaa sheegay in aanay haysan hooy iyo cunto toonna, marka laga reebo gurmad kooban oo ay u fidiyeen dadka iyo maamulka degmadaas.

Waxaa ay sheegeen in hanti farabadan iyo Beero ay lahaayeen ay ku baaba’een tuulooyinkii ay kasoo barakaceen, halkaas oo ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda oo ay wehlinayeen maleeshiyaad degaanka ah iyo Al-Shabaab.

Dhanka kale maamulka degmada Balcad ayaa sheegay in ay dadkaasi dejin doonaan xeryo lagu siin doono hadba wixii loo heli karo, maadaama aanay dib ugu laaban karin guryahooda.