Dab xoogan oo ka kacay guriga wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya

Warar goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in guriga wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed xuseen Odawaa uu ka kacay dab xoogan.

Warar kala duwan oo  soo baxaya ayaa sheegaya in guriga dabka qabsaday ay sababtay koronto.

Goobta uu dabku ka kacay ayaa waxaa gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah oo ku howlan daminta dabkaasi.