DAAWO SAWIRRADDA: Xuska sanad guuradii 74-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska

Akaadiimiyadda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ayaa maanta waxaa ka dhacday munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 74-aad ee ka soo wareegtay markii la Aasaasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadkii 1943-dii.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Hoggaanka iyo Saraakiisha Booliska, Taliska Ciidanka Xoogga dalka, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo danjireyaal ka socdey Beesha Caalamka ayaa ka qeyb galay munaasabaddan oo si weyn loo soo agaasimay.

Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska ayaa dhoola tus ka sameey fagaaraha Akaadimayadda Booliska, halkaas oo ay ku soo bandhigeen xirfadooda, qalabkooda iyo qaybaha ay ka koobanyihiin.