Donald John Trump ayaa noqday madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka, wuxuuna dalka hoggaamin doonaa afarta sano ee soo socota.
Trump oo la doortay sideeddii November ayaa xilka si rasmi ah ugala wareegay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama kadib markii lagu dhaariyay munaasabad ka dhacday aqalka Capitol Hill ee congress-ka Mareykanka.
Ku dhowaad hal milyan oo qof oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka Mareykanka ayaa isugu yimid magaalada caasimadda ah ee Washington DC ee si ay goob jog ugu noqdaan maalintan taariikhiga ah.
Trump ayaa xilka uu qabtay ku macneeyey in shacabka Mareykanka ay xukunkii dalkooda kala wareegeen “Koox yar oo Washington DC” ku sugan.
Markii Trump xilka lagu wareejiyay ayaa meelo ka mid ah dalka Mareykanka, waxaa ka dhacay Banaanbaxyo looga soo horjeeday Madaxweynaha cusub.
Obama ayaa la dar daarmay Madaxweynaha cusub ee Xafiiska sida tooska ah ula wareegay.






