Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Mudane Cabdi kariim Xuseen Guuleed oo sugan magalada Galkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa maantay kulan la qaaday qeybaha kale duwan ee bulshada Dagmada Galkacyo.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa bulshada kunool magaalada Gaalkacyo u sharaxay safar uu ku tagay magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Mudane Guuleed ayaa sharaxaad ka bixiyey hishiis nabadeed oo lagu saxiixay Jigiga ,waxuuna bulshada magaalada Gaalkacyo ka dhaaciyey in ay nabada qaataan islamarkaana hishiis laga gaaray dagaalkii deegaanka Dac-dheer ee gobolka Galgaduud.





