Dowladda Uganda oo ka mid ah dowladaha Afrikaanka ah ee ciidamadooda Soomaaliya uga howlgalaan magaca AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ciidamo hor leh u soo dirayso dalka Soomaaliya.
Ciidamadaan ayaa dhawaan tababar loogu soo xiray Xeryo milatari oo dalka Uganda ku yaalla, waxaana ay dhawaan soo gaari doonaan dalka Soomaaliya iyagoo ku biiri doono ciidamada AMISOM.
Waxaana la sheegay in ciidamadan ay sii xoojin doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo dagaala kula jirat ururka Al-shabaab.



