Wararka saakay ka imaanaya magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan kooxo hubeysan oo aan heybtooda lagaraneyn in ay gudaha magaalada ku jiraan oo mararka qaar ay maamulaan magaalada.
Maamulka magaalada Marka ayaa waxa ay sheegeen in arintan ay jirto oo ilaa iyo hada aysan garaneyn sida ay wax usocdaan.
Waxaana dhanka kale ay tilmaameen in magaalada habeenkii dhac iyo boob loogu geysto shacabka ku nool magaalada.
Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhowr jeer waxaa loo gudbiyay arintan, iyadoo wali aysan wax jawaab ah ka bixin.
Magaalada Marka waxaa ka socday maalmahan dagaalo, kuwaas oo udhaxeeyay beelo wada dega halkaasi.
Dhowaan ayay aheyd markii magaalada Marka kooxo hubeysan ay dil ugu geysteen 6 caruur ah iyo Ayeeyadood, iyadoo dilkaasi lagu sheegay in uu ahaa mid la xiriiray Aanooyin qabiil.


