Daawo Sawirada Gaas oo Garoowe ka daah furay Carwada bandhigga buugaagta

Madaxweynaha maamulka  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  magaalada Garowe kaga qayb galay munaasabad Bandhigga Buugaagta oo markii labaad lagu qabanaayo magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli oo maanta si rasmi ah u furay carwada Bandhigga Buugaagta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in sare loo qaado , hal abuurka iyo sidoo kale wax soo saarka bulshada kunool Puntland.

Munaasabada lagu furaayey Bandhigga  carwad Buugaagta ayaa waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, Wasiiro, aqoonyahano, qoreyaal, sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xafladda ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey hay’adda Cilmi baarista ee SIDRA iyo shirkadda Daabacaadda ee ScanSom.

Munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay in ka badan 570 buug oo ay qoreen Qoreyaal Soomaali iyo Ajaanib.IMG_0719 IMG_0899 IMG_0854 IMG_0802 IMG_0796 IMG_0790 IMG_0789 IMG_0762 IMG_0752 IMG_0749 IMG_0729 IMG_0728 IMG_0724 IMG_0722 IMG_0720