Garoowe-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya caawa magaalada Garoowe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay hawada ka saareen oo ay albaabada isugu dhufteen xarunta Radio Daljir ee magaalada Garoowe.
Ciidamada hawada ka saaray Xarunta Radio Daljir ee magaalada Garoowe ayaa la sheegay in ay ka amar qaataan Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Soo-Cadde.
Sababta loo xiray Radio Daljir ayaa lagu sheegay in ay wariye ka tirsan Radio Daljir uu wareysi ka qaaday Gudoomiyihii hore ee gobolka Bar C/samada Galan oo ka gadoodsan siyaasada Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.
Ururka MAP iyo wariyeyaasha ka howlgala deegaanada Puntland ayaa cambaareeyay xiritaanka Radio Daljir.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntaland ayaanan wali ka hadlin xiritaanka Radio Daljir.


