Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Waaberi gaar ahaan isgoyska Dabka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan AMISOM ay dar dareen Gaari uu leeyahay Qof shacab ah.
Ciidamada AMISOM oo ku socday markii hore wado sax ah ayaa ka soo baxay seedkooda kadib waxa ay dar dareen Gaariga uu leeyahay qofka shacabka ah oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamuud.
Axmed Maxamed Culusow ayaa sheegay in uu dacwad ugudbiyay ciidamada Boliiska Saldhiga degmada Waaberi sidoo kalena gacanta lagu soo dhigay Gaariga AMISOM ay leeyihiin ee dhibaatada geystay.
Waxa uu sheegay Axmed Culusow isaga iyo ciidanka AMISOM ee dhibaatada ugeystay Gaarigiisa in loo waday xarunta Fiisha Taraafiko ee magaalada Muqdisho si wax looga qabto dhibaatada ay geysteen AMISOM Gaarigiisa.