Uganda-RisaalaFM- Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya dhamaadka sanadka danbe ee 2017.
Taliyaha Ciidamada Uganda General Katumba Wamala ayaa sheegay go’aanka ay ku gaareen in ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya in uu yahay kadib markii ay ka niyad jabeen Ciidamada Soomaaliya iyo Saaxibada Beesha Caalamka.
General Wamala ayaa sheegay in la gaaray waqtigii Ciidamada Milateriga Soomaaliya ay la wareegi lahaayeen Ammaanka.
Waxaa uu sheegay in xitaa ay ka baxayaan Soomaaliya ka hor Bisha December 2017, hadii la helo dal kale oo bedela.
Mareykanka, UK, iyo Turkiga ayaa tababar siiya Ciidamada milateriga iyo kuwa Boliiska ee Soomaaliya, waxaana dalalkan ay muddooyinkii u dambeeyay ka qeyb qaadanayeen dib u dhiska Ciidamada.
Dowladda Uganda ayaa horay u sheegtay in ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, balse Afhayeen u hadlay ayaa beeniyay in ay si toos ah ula baxayaan ciidankooda.


