20 qof oo cudurka Shuban biyoodka ugu geeryootey Beledweyne

Beledweyne-RisaalaFM- Sida ay xaqiijiyeen howl-wadeenada isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ilaa 20 qof ayaa ugeeryootey cudurka Shuban biyoodka, halka 230 qof oo kalena ay la jiifaan cudurkaas.

20 qof ayaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay cudurka shuban biyoodka ugu geeryoodeen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka hor inta la soo gaarsiin goobaha caafimaadka.

Axmed Maxamed Khaliif Agaasimaha Isbitaalka Guud ee magaalada Beledweyne ayaa Idaacadda u sheegay in cudurkan ka dilaacay magaalada inta badan uu ka dhalanayo biyaha laga isticmaalo ceelasha ku yaala magaalada oo si toos ah ugu xiran wabiga shabeele oo xiligan biyihiisu wasaqeynsan yihiin.

Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan dadka ku nool ayaa waxaa ay ka Cabanayaan Xaalado Bini’aadanimo oo soo wajahay.