DHAGEYSO: Maamulka Radio Daljir oo ka hadlay sababta loo xiray xarumaha Daljir

Garoowe-RisaalaFM- Iyadoo xalay Xarumaha Radio Daljir ay ku leedahay magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo hawada ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxaa faah faahin ka bixiyay Agaasimaha Guud ee Radio Daljir Axmed Sheekh Maxamed Tallman.

Waxa uu sheegay in ciidamo ka amar qaata Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Soo-cadde in xalay ay hawada ay ka saareen xarumihii Radio Daljir ay ku laheyd magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.

Agaasimaha Radio Daljir Axmed Sheekh Maxamed Tallman ayaa sababta loo xiray Idaacadda ku sheegay in wariye ka tirsan Radio Daljir uu wareysi ka qaaday Gudoomiyihii hore ee gobolka Bar C/samada Galan oo ka gadoodsan siyaasada Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Ururka MAP iyo wariyeyaasha ka howlgala deegaanada maamulka Puntland ayaa cambaareeyay xiritaanka Radio Daljir.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntaland Soo-cadde ayaanan weli ka hadlin xiritaanka Radio Daljir.