Ciidamo ka tirsan dowladda oo qarax lagula eegtay gobolka Sh/Dhexe

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Buurane ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in goor dhow qarax uu halkaasi ka dhacay.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in lala beegsada askar ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Inta la ogyahay 5 askari ayaa ku dhaawacantay iyo waliba labo qof oo shacab ah.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa waxaa la gaarsiiyay isbitaalka maagalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.