Ciidamo ka tirsan Ahlusunna oo isku dhiibay Maamulka Galmudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in sargaal ka tirsan ururka Ahlusunna uu isku dhiibay maamulka Galmudug.

Sarkaalka Isdhiibay ayaa lagu magacaabaa  C/risaaq Cali Tubaako , waxaana la sheegaya in uu wato koox ciidamo ah oo ka soo goostay maamulka Ahlusuna sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug.

C/risaaq Cali Tubaako ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Maamulka Ahlusuna ayaa ka taliya qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka Galgaduud , waxaana ay  kasoo horjeedaan maamulka Galmudug.

Majiro war kasoo baxay maamulka Ahlusuna oo looga hadlay sargaalkan isku dhiibay ciidanka maamulka Galmudug.