Ciidamada NISA oo qarxiyay gaari Siday waxyaabaha qarxa

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay darawal waday gaari Noho ah oo qarax labaad siday,kaasi oo markii dambe ciidamada NISA ay qarxiyeen.

Ciidamada Ammaanka ayaa sheegay in gaarigaasi ay ku qabteen Xaafadda Ceelqalow ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay in gaarigaasi ay qarxiyeen , islamarkaana ay qabteen shaqsigii waday.