Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa habeenimadii xalay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyey isgosyada magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa gawaarida yar yar waydiinaaye wax aqoonsi ah in haystaan kadibna sii daynayeen , walow gawaarida BL-ka iyo Mootada Bajaajka dadka saaran ciidanka dajinayeen si baaritaano u maraan kadibna ku noqonayeen halkii markii hore kasoo dageen.
Taliyaha qaybta Boliiska gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in arintan ay qayb katahay sarre uqaadida Amaanka Caasimadda.
Taliyaha qaybta Boliiska gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geediayaa ka cosaday bulshada gobolka Banaadir in ay Nabada u istaagaan ciidamadana la shaqeeyaan.
Waxa uu sheegay in howlgalada ay sameynayaan ciidamada dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan si bulshada ay si nabad galyo ah ugu afuraan.


