Beledweyne-RisaalaFM- Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa dadkii ka Barakacay magaalada Beledweyne.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in dadkii ka barakacay Beledweyne ay ku sugan yihiin deegaanka Ceel-jaale laakiin maamulka Hiiraan ay ku howlan yihiin sidii dadkaasi loogu soo celin lahaa guryahooda.
Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya gaar ahaan xukuumada ay kaalin muuqata ka qaadatay ugar gaarida dadka ay saameeyeen fatahaada Wabiga Shabeele iyo dagaal beeleedyadii ka dhacay magaalada Beledweyne.
Dadka ku nool Magaalda Beledweyne ayaa waxaa Saameyn ku yeeshay fatahaada Wabiga Shabeele iyadoona dadka Magaalada ka barakacay ay Guryo Cooshada ka sameysan ay ka dhisteen Deegaanka Ceel Jaale waxaana ay Codsanayan in gar gaar deg deg ah loo fidiyo Maadama ay Guryahooda uga soo Carareen Fatahada Wabiga Shabeele.


