Mareykanka oo ka hadlay howlgallo lagu Dilay Saraakiil Shabaab ah

Jarmalka-RisaalaFM- War ka soo baxay xafiiska Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu soo gaba gabeeyay qiimeyn uu beryahan ku waday weeraro dhawaan ka dhacay Soomaaliya oo lagu beegsaday saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Warkan ayaa lagu sheegay in 27-kii bishii May ee sanadkan ay ciidamada Mareykanka duqeyn ku dileen Abdullahi Haji Da’ud , oo ka mid ahaa saraakiisha Militari ee sar sare ee Al-Shabaab. Warbixinta laguma sheegin halka saxda ah ee uu weerarkan ka dhacay laakiin waxaa lagu sheegay in uu ka dhacay meel ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale warbixintan waxaa lagu sheegay in 31-kii bishii tagtay ee May howlgal ay horkacayeen cutub ka mid ah ciidamada Milatariga Soomaaliya lagu dilay Mohammed Dulyadeen, oo sidoo kale loo yaqaanay “Mohammed Kuno” iyo “Kuno Gamadere.”

Mareykanka ayaa sheegay inuu xaqiijiyay in Kuno lagu dilay weerarkaa oo ka dhacay Tuulada Buula-gaduud ee gobolka Jubbada Hoose.

Warkan ayaa lagu yiri “Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an taageerista ciidamada dowladda iyo ciidamada Midowga Africa – sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.