Hiiraan-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay dagaal la galeen dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab.
Weerarka ayaa la sheegay in ay soo qaadeen Al-shabaab waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Labada dhinac.
Dadka deegaanka ayaa Idaacadda Risaala usheegay in dagaalka udhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab uu socday saacado badan sidoo kalena ay ka walaacsan yihiin in dagaal kale halkaasi uu dib uga qarxo.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM dagaalka kadib ay la wareegeen deegaanada kala ah Buqa-qable iyo Wabxo.
Ilaa iyo hada kama aysan hadlin Labada dhinac dagaalka ka dhacay gobolka Hiiraan.
Dhowaan ayay aheyd markii ururka Al-shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Halgan oo xero ciidanka ay ku lahaayeen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaare soo kala gaaray Labada dhinac.


