Al-shabaab oo Jillib ku toogtay Ajaanib ka tirsaneyd

Jillib-RisaalaFM- Ururka Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe fagaare ku yaalA degmada Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxa ay ku toogteen Labo ruux oo Ajaanib ah, kuwaasi oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Labadan ruux ee Ajaanibta ah ee Shabaab ka tirsanaa ee shalay galab la toogtay ayaa muddo waxa ay la shaqeynayeen Al-shabaabka.

Al-shabaab ayaa labadan ruux oo u dhashay dalka Kenya waxa ay ku eedeeyen in ay ahaayeen Jaajuusiin la shaqeeya dowladda Kenya iyo Sirdoonka Yuhuuda.

Fagaare ku yaal degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, ayaa la soo taagay labadan ruux, halkaasi oo lagu toogtay, kadib Qaadiga Maxkamada oo ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee raggaan lagu fuliyay.

Shabaab ayaa magacyada ragaan ku sheegay Cabdullaahu Faraj oo 22 sano jir ah kana yimid Magaalada Xeebta leh ee Mombaasa, wuxuu muddo ka dhex shaqeynaayay Al-shabaab, ninkaan ayaa Al-shabaab waxa ay ku eedeeyeen in uu ku lug lahaa Shirqoolkii lagu dilay Sheekh Caabudo Roogu iyo Sheekh Abuubakar Makabuuri.

Ninka kale ee Al-shabaab ay dileen ayaa lagu magacaabaa Jared Mokae Omambia oo 31 sano jir ah wuxuu ka soo jeedaa degmada Eldoret ee wadanka Kenya, ninkaan ayaa isagana lagu eedeeyay in uu la shaqeynaayay Sirdoonka Kenya.

Waa markii labaad ee Al-shabaab degmada Jilib ay ku dilaan dad ay ku eedeynayaan jaajuusiin oo u dhashay dalka Kenya.

48-saac ee la soo dhaafay Al-shabaab waxa ay dileen ilaa 7 ruux oo ay ku eedeeyeen in ay yihiin jaajuusiin la shaqeeya dowladaha reer Galbeedka.