AMISOM oo isaga baxeysa Stadium Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Afhayeenka ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya Joe Kibet oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in ciidamada AMISOM dhawaan ay ka baxayaan garoonkaas.

Joe Kibet ayaa sheegay in ogaantiisa uu ka warhaayo guutada ciidamada ah ee hada dagan halkaasi loo diyaarinayo in ay ka baxaan oo meel kale la geeyo.

Wasiir Nuux oo ah wasiirka Dhalinyarada iyo cayaaraha ayaa horey usheegay in Garoonka dib udhis lagu sameyn doono sidoo kalena ciidamada AMISOM ay isaga bixi doonaan Stadium Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaarineyso Mashaariicdii lagu dhisi lahaa Garoonka Muqdisho, waxaana ay sheegatay in qorshahaas ay hada ku guda jiraan.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa maalmihii udambeeyay waxa ay hadal hayeen xilliga ay arki doonaan Studium Muqdisho oo markale dib loogu cayaarayo.