Deg Deg: Diyaarado Duqeymo ka geystay Jubbada Hoose

J/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan degmada Afmadow ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarado ay duqeymo ka geysteen deegaano hoostaga degmada Afmadow.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Diyaaradaha halka ay duqeeyeen ay saldhigyo ku lahaayeen ururka Al-shabaab.

Dad ka akdhow goobaha ay duqeymaha ka dhaceen oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in duqeymahaasi ay jiraan sidoo kalena ay geysteen khasaare.

Ilaa iyo hada lama khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeymaha diyaaradaha ay ka geysteen deegaano hoostaga degmada Afmadow.

Diyaarado laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo kenya ayaa maalmihii udambeeyay waxa ay duqeymo ka geysanayeen gobolada Jubbooyinka iyo gobolka Shabeelaha Hoose.

Ururka Al-shabaab ayaanan weli ka hadlin duqeymahan la sheegay in ay ka dhaceen gobolka Jubbada Hoose.

Dhowaan ayay aheyd markii duqeymo ka dhacay gobolada Jubbooyinka lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Jubbaland.