Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo ka hortagay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen Janaale

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda in ay si wadajir ah ufashiliyeen weerar Al-shabaab ay ku  qaadeen degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay bogga AMISOM ay ku leeyihiin Twitterka ayaa lagu sheegay in ay ka hortageen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda weerar ay ururka Al-shabaab doonayeen in ay ka geystaan deegaanka Janaale, waxaana la sheegay in weerarkaas uu noqday mid la fashiliyay.

AMISOM faah faahin intaasi ka badan kama aysan bixin, sidoo kale saraakiil ka tirsan dowladda oo aan isku daynay inaan la xiriirno ayay inoo suurtagali weysay in aan qadka ku haleelno.

Al-shabaab ayaa horey waxa ay weerar kaga geysteen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weeraradaas ay la beegsadeen ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.