Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Waxaana la sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen hub iyo dadkii watay oo ku sugnaa guri ku yaal degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal saakay ay ciidamada NISA ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ay ku soo qabteen hub isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa culus oo yaalay guri ay dagnaayeen 4 qof oo isku Qoys ah.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan waxa ay howlgallo ka dhan Al-shabaab ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka.


