Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan Tuulada Beyxaaw ayaa waxa ay sheegayaan in Wabiga Shabeelle uu fatahaado sameeyay.
Waxaana wararku ay sheegayaan fataahada uu sameeyay wabiga in ay saameyn ku yeelatay qaar ka mid ah deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo uu baqdin iyo cabsi ku beeray dadka deegaanka.
Maamulka Tuulada Beyxaaw ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle uu ku soo fatahay deegaanka Beyxaaw islamarkaana uu gudaha usoo galay magaalada qiyaastii 7 mitir, taas oo sababtay in dadka deegaanka ay bilaabaan barakac.
Wabiga Shabeelle ayaa horay sidaan oo kale fatahaado ka geysaty deegaanada Mahadaay iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dhanka kale dadka ku nool hareeraha wabiga ayaa waxa ay ka cabanayaan caafimaad daro halkaasi ka jirta, waxaana ay baaq udireen maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe.


