Kulankii baarlamaanka Soomaaliya oo dib udhac ku yimid

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay doonayeen in ay kulan deg deg ah ka yeeshaan xilka qaadista lagu sameeyay gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid Ilka-xanaf.

Madaxweynaha Soomaaliya wareegto ka soo baxday shalay xafiiskiisa ayaa waxa uu xilka kaga qaaday Ceydiid Ilka-xanaf oo ahaa gudoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka uu u baaqday tirada xildhibaanadii laga rabay furitaanka fadhiga maanta oo aanan soo xaadirin.

Shalay ayey aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Sheekh Maxamuud xilka looga qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf.