Beesha caalamka ayaa si kulul u cambaareysay Qaraxyadii maanta ka dhacay agagaarka Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, Dowladda Mareykanka war qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen ayay ku cambaareeyeen Qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin falalka Qaraxyada noocaan oo kale ah.
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay xoojinayaan dib u dhiska Ciidaanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Dhinaca kalena Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyay falkii argagixiso ee maanta lagu beegsadey afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Waxaa uu madaxweynaha tacsi u diray Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwa AMISOM, qoysaska iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii iyagoo waajibaadkooda gudanaya lagu dilay weerarkaasi, isagoo kuwa ku dhaawacmeyna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoosta ka xariiqay in dowladda ay ka go’an tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo in ugu dambeyn Shabaab laga saare dalka goobaha ay kaga sugan yihiin.
In ka badan 10-ruux oo isu jira askar iyo shacab ayaa ku dhintay qaraxyadii maanta ka dhacay meel u dhaw xarunta Xalane ee agagaarka Garoonka Adan cadde ee Magaalada Muqdisho.


