Taliska Booliska Gobolka Bari Puntland ayaa amar bandow ah kusoo rogay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka howlgalla Gudaha Magaladaas.
Bandowga oo bilaabanayay xalay 12:00 Habeenimo kuna eg Maanta 10:00 Subaxnimo ayaa ka dhaqan galay Magalada,waxaana Gaadiidleyda lagu amray inaysan socon karin inta u dhaxeysa waqtiyada loo qabtay.
Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa ku sheegay sababta ay Gaadiidka Bandowga ugu soo rogeen sugida dhinaca Amniga,isla markaana la filayo inay dad badani soo baxayaan si ay salaadda Ciidda u ogaan.
Sidoo kale taliyaha ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi ku daray in la joojiyay in Salaada Ciida Maanta lagu dukado Garoonka/Isbartiibada Kubadda cagta Boosaaso Horay Saladaha Ciidda loogu tukan Jiray,isaga oo sheegay in Goobo kale loo diyaariyay Dadweynaha.
Si kastaba Amarkaan kasoo baxay taliska Booliska Gibolka Bari ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay falal amni darro ka dhacayeen Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.



