Bandow lagu soo rogay magaalo ku taalla Suudaan

Dowladda Suudaan ayaa ku dhawaaqday in Bandow lagu soo rogay Magaalada Atbara, waxaana sidoo kale ay amartay  in la xiro Iskuulada aggaasi ku yaalla kaddib markii halkaasi ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo qiimaha rootiga ee Suudaan oo sare u kacay.

Dowladda ayaa sheegtay in Banaanbaxyo waa weyn ay ka socdaan magaalada,kuwaasoo ay waddaan qeybaha kala duwan ee bulshadda Suudaan.

Ra’iisul wasaaraha Suudaan,Muctazz Muusa ayaa shalay shir jaraa’iid ka sheegay inay jiraan qorsheyaal ay dowladda kaga laabaneyso qiimaha hoos loo dhigay ee badeecadaha qaar.

Dibadbaxyo ayaa ka socday labo magaalo oo ku yaalla Suudaan, waxayna dadweynaha shaki ka qabaan in dowladda ay ka laaban rabto go’aanka ay hoos ugu dhigtay qiimaha shidaalka iyo rootiga.

Muuqallo lasoo geliyay barta Twitter-ka ayaa muujinayay dad isugu soo baxay magaalada waqooyiga ku taalla ee Atbara iyo magaalada Port Suudaan halkaas oo la filayo inuu booqasho ku tego madaxweyne Cumar Al Bashiir.