DHAGEYSO: Warbixin Maxaad ka taqaana taariikhda Hooyadda Ciidanka Qalabka Sidda?

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacaya Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayo sanadguurada 75-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galaya Masuuliyiin badan oo ka tirsan Dowlada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo), Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal Ciidan iyo Saraakiil ka kala tirsanaa Hay’adaha ammaanka dalka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu tilmaamay Hooyadda Ciidanka Qalabka sidda waxaana la  Aasaasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadkii 1943-dii.

Hoos ka dhageyso Warbixin uu nooga diyaariyay Wariye Maxamed Cabdi Cali.