Bambo gacmeed lagu weeraray Ciidamo ku sugnaa Isgoyska Howlwadaag

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in maqribnimadii caawa Bambo gacmeed lagu weeraray fariisin Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Isgoyska Howlwadaag.

Dadka degaanka ayaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay laba Dhalinyaro ah in ay Bambo gacmeed ku weerareen fariisin Ciidamo Boolis ah ay ku leeyihiin halkaasi.

Ciidamada ayaa intaasi kadib waxa ay rideen rasaas fara badan oo cabsi ku abuurtay shacabkii ku sugnaa Isgoyska, waxaana intaasi kadib goobta ka baxsaday raggii falkan ka dambeeyay.

“Walaal xilligii salaada maqrib ayaan marqura maqalnay Qarax oo Bambo gacmeed ka dhashay, kadib inaga oo yaaban ayaan ogaanay in lagu weeraray Isgoyska Howlwadaag Ciidamo ku sugnaa, intaasi kadib rasaas fara badan ayay Ciidamada rideen, wadadana way xireen, balse markii dambe ayay fureen.” Ayuu yiri qof goobjooge ah oo inoo waramay.

Hay’adaha ammaanka ayaa Risaala u sheegay in weerarkan ay ku dhaawacantay Qof Dumar ah, taasi oo xilliga uu weerarka dhacayay mareysay wadada, sidoo kalena aysan jirin cid kale oo wax ku noqotay Bambo gacmeedkan.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa Howlgallo amni xaqiijin ah ka wada xaafadaha ka akdhaw Isgoyska Howlwadaag, waxaana ay ku daba jiraan raggii ka dambeeyay weerarkan oo loo  maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.