Bari-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Puntland Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa Duqeyn xalay saq dhexe waxa ay la beegsadeen fariisimo ay ku leeyihiin ururka Daacish meel ku dhaw degmada Qandala ee maamul goboleedka Puntland.
Duqeyntan ayaa waxa ay si gaar ah uga dhacday tuulo lagu magacaabo Dhaadaar oo ka tirsan Qandala halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka daacada u ah Sheekh Cabdulqaadir Muumin.
Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta inay xalay saqdii dhexe maqleen dhawaqa duqeyn cirkca ah oo lala beegsanayay deegaano ay ku sugnaayeen ururka Daacish.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka ay Duqeynta ka dhacday ayaa waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaare lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan Kooxda Daacish ee ku sugnaa fariisinka.
Weli ma cadda cidda geysatay weerarkaa iyo cidda wax ku noqotay, laakiin Soomaaliya iyo gobolka bariba waxaa marar horey duqeyn uga geystay ciidamada Mareykanka ee Africa ka howlgala.



