Axmed Karaash oo Shir ka furay Magaalada Garoowe

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed CilmI Cismaan Karaash, ayaa furay Shirka Maamul daadejinta Puntland oo ay ka qayb galeen wasaaradaha fuliya adeegyada iyo hawlaha lagu dardargelinayo gaarsiinta adeeg bixinta degmooyinka Puntland.

Shirkan ayaa looga hadlay Ku wareejinta waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe qaar ka mid ah degmooyinka Puntland, wareejinta maamulidda xarumaha caafimaad qaar ka mid ah degmooyinka Puntland iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo qaabkii Dowladdaha hoose door ugu yeelan-lahaayeen Maareynta Biyaha iyo arrimo kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed CilmI Cismaan Karaash ayaa faray dhamaan wasaaradaha ku Shaqada leh qorshaan inay dedejiyaan howlaha loo igmaday.