Arsenal ayaa dib u soo cusbooneysiisay heshiiska xiddiga weerarka dhexe ee Mesut Ozil oo noqday xiddiga ugu mushaarka badan Premier League, sida uu sheegay tababare Arsene Wenger.
Ozil oo 29 sanno jir ah ayaa ugu danbeyntii soo afjaray muran ka taagnaaa mustaqbalkiisa, isagoo qalinka ku duugay heshiis cusub oo ilaa 2021ka ah.
Inkastoo qandaraaska xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka lagu qiimeeyay 350 kun ginni isbuucii, haddana Wenger ayaa sheegay in Ozil yhay xiddiga ugu fiican kooxda Arsenal.
“Marka aad u ogolaato ciyaaryahan inuu tago waa inaad iibsataa mid isla heerkiisa ah, haddii aadan heli Karin waa inaad sii heysataa isaga,” ayuu u sheegay saxaafada tababaraha Faransiiska ah
“Hadda waxaan heysanaa mid kamid ah ciyaartooyda ugu sareysa halkaan mushaar ahaan iyo qiimo ahaan “ayuu hadalkiisa ku daray tababare Arsene Wenger.
Ozil ayaa dib u soo cusbooneysiiyay heshiiskiisa Arsenal ka dib markii uu ka tagay kooxda Alexis Sanchez oo ku biiray Manchester United
Sanchez ayaa ka qeyb noqday heshiis isdhaafsi ciyaartooy oo Henrikh Mkhitaryan ugu dhaqaaqay dhanka kooxda Arsenal.
20 kulan oo Premier League uu kasoo muuqday xilli ciyaareedkan Ozil ayaa dhaliyay afar gool isagoo caawiyay todobo kale.



