Antonio Conte oo helay guushii ugu horeysay kooxda Chelsea

Antonio Conte ayaa xaqiijiyay guushiisii ugu horeysay isagoo tababare Chelsea ah markii 3-0 guul ah uu gaaray kulan saaxiibtinimo oo uu wajahay kooxda ka dhisan Austria ee RZ Pellets WAC.

Bertrand Traore ayaa dhaliyay goolka koowaad ee Conte boqornimadiisa Chelsea uu arko, kadib markii uu kubad qurux badan ka saaciday Willian afar daqiiqo marki ay ka harsaneyd qeybtii hore ee ciyaarta.

Labo gool oo qeybtii labaad ee kala dhaliyeen Ruben Loftus-Cheek iyo Nathaniel Chalobah ayaa u xaqiijiyay guul Chelsea, oo kulankoodii ugu horeeyay qadaaaro 2-0 kala kulmay kooxda Rapid Vienna,

Michy Batshuayi ayaa kulankiisii ugu horeyay Bules u ciyaaray qeybtii labaad markii uu ugu soo biiray £ 33m kooxda Marseille.

Chelsea ayaa hadda isku diyaarin doonta tartanka saxiibtinimo ee International Champions Cup kasoo kulan katirsan USA ay kula qadan doonto Liverpool Khamiista soo socota.

NAtiijadaan ayaa waxaa soo dhaweeyay macalin Conte oo sheegay in kooxdiisa qaab la amaani karo ay u ciyaartay kulankaan.