Arsenal oo dalab € 45m ah ka gudbisay daafacii bedeli lahaa Laurent Koscielny

Macalinka Arsenal Arsene Wenger, ayaa sameyn doonaa arin layaab leh oo dad badan anay ka fileyn marka uu suuqa kasoo qaato daafaca aad loo qiimeeyo.

Daafaca kooxda Napoli Kalidou Koulibaly ayaa loo soo bandhigay kooxaha ugu waa weyn Yurub in ay ibsan karaan xili ciyaareedkaan, waxaana tartanka kusoo biirtay caawa kooxda Arsenal, sida laga soo xigtay Goal.

kooxda Arsenal ayaa u bandhigtay daafacaan awooda badan lacag dhan € 45m, si ay ugu daboolaan baahida dhanka daafaca ah ee jirta.

Ciyaaryahanka 25-sano jir ah, ayaa sidookale bartilmaameed u ah kooxaha Everton iyo Chelsea , lakiin waxaa la fahamsan yahay in uu markaan ku horeeyo saxiixa daafaca Senegal macalinka Arsenal.

Koulibaly ayaa saftay 33 kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkii 2015-16, isagoo qaatay 11 jaale , waxaana uu ka caawiyay kooxdiisa in ay ku dhameysato kaalinta labaad, iyagoo sagaal dhibcood ka danbeeyay kooxda heysata horyaalka ee Juventus.

Wuxuu uu ku biiray Napoli 2014 ka isagoo ka yimid kooxda Racing Genk, sidookale waxaa uu waqti ku qaatay kooxda Metz ee reer Faransa,

Arsene Wenger ayaa lagu soo waramayaa in uu isha ku hayo xoojinta daafaciisa dhexe, iyadoo Per Mertesacker, Laurent Koscielny iyo Gabriel Paulista kooxda ay kusugan yihiin.