Sh/Hoose-RisaalaFM- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa saaka gaaray Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobalka Shabeelaha Hoose Halkaas oo hada ah Saldhig lagu Tababaro Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxwaynaha oo ay wehliyeen Taliyayaasha Xoogga Dalka Somaliyeed iyo Ciidanka Cirka, waxaana uu halkaasi tababar ugu soo xiray Cutubyo ka tirsan Komaandooska Xogga Dalka Somaliyeed oo in muddo ah tababar uga socday saldhiggaasi, isagoo halkaasi khudbad ka jeediyay.
Saldhiggan waxa horey loogu tababaray Cutubyo ka tirsan Kommaandooska soamliyeed, kuwaasi oo qayb wayn ka qaatay la dagaalka Al-shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Tababarka soo xiray ayaa sheegay in muhiimada Tababarkan uu ahaa sidii loo xoojin lahaa amniga dalka, isagoo sidoo kale ciidamada kula dar daarmay in ay u diyaar garoobaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa dalka.


