Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan J/Hoose

J/Hoose-RisaalaFM- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo taageero dhanka cirka ah ka helaya ciidamada Mareykanka ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka buulo-gaduud oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Ciidamo ka kala tirsan dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo kuwa Mareykanka ayaa weerarka waxa ay ku qaadeen saldhigyo Shabaabka ay ku leeyihiin deegaanka Buulo-gaduud ee gobolka Jubbada Hoose.

Iska horimaad xoogan kadib ayay ciidamadii isku dhafka ahaa u suurogashay in ay la wareegaan deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil uhadshay dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ayaa Risaala u sheegay in weerarka ay khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen Shabaab.

Saraakiisha dowladda ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in weerarkan ay ku dileen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab, sidoo kalena ay kala wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Horey waxaa deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka uga dhacay weeraro iyo Duqeymo ay geysteen dowladaha taageerada siiya dowladda Soomaaliya, kuwaas oo la beegsanayay goobaha ay saldhigyada ku leeyihiin Shabaab.

Ilaa iyo hada Shabaabka kama aysan hadlin weerarkan la sheegay in uu ka dhacay Jubbada Hoose, sidoo kalena khasaare lagu gaarsiiyay dagaalyahano iyaga ka tirsan.