Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waxaa soo baxay hambalyooyin kala duwan oo ka imaanaya qeybaha kala duwan daneeya arimaha Soomaaliya.
Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) Ambassador Francisco Madeira ayaa hambalyo u diray dhalinyarada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ,waxa uuna sheegay in dhalinyarada ay yihiin u dub dhexaad bulshada Soomaaliyeed loona baahanyahay in ka qeyb qataan,xasilinta iyo soo celinta amniga dalka Soomaaliya.
” markii aan milicsano waa muhiim doorka dhalinyarada xiliyadii xornimada doonka,iyo safarkii dheeraa ee loo galay in uu dalka madax banaanida helo , dhalinyarada mustaqabalkii dalka maanta iyo beri ,maanta dhalinyarada waxay leeyihiin door weyn oo ay wax ugu bedalikaraan dalka iyo in ay ka qeyb qataan la dagaalanka Argagixisada ,ogaada AMISOM garabkiina ayey taagan tahay” ayuu yiri Ambassador Madeira
Ambassador Madeira ayaa ku baaqay in la taageero daladaha dhalinyarada oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin mustaqbalka iyo hormarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
Sanadkaste maanta oo kale ayaa gobolada dalka Soomaaliya laga xusaa maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed


