Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka Balcad.
Inta la xaqiijiyay 5 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa weerar ku geeriyootay .
Goobjoogaal ku sugan duleedka Balcad ayaa u xaqiijiyay idaacadda Risaala weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhiga ciidanka dowladda Soomaaliya.


