Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta maamulka Puntland, kaasoo lagu dilay dad rayid ah iyo Agaasimaha, wasaaradda Maaliyadda Puntland Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare).
Afhayeenka dhanka Howlgalada ee Al-Shabaab Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab oo la hadlay idaacadda Andalus oo ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxa ay la heleen saraakiil katirsanaa maamulka Puntland oo bartilmaameed u ahaa Al-shabaab, waa siduu hadalka u dhigay
Bartilmaameedka qaraxa ayaa lagu sheegay in uu ahaa Agaasimaha, wasaaradda Maaliyadda Puntland Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare).
Qofka Isqarxiyay ayaa Salaamay Agaasimaha, kadibna waxaa uu isku qarxiyay,waxaana halkaa ku dhintay 5 Qof oo kale oo ay ka mid yihiin Ilaaladii agaasimaha dhintay.
Qaraxa kadib ciidanka Puntland ayaa xiray goobta,waxaana ay kala eryeen dad ku soo xoomay halka uu ka dhacay qarax,iyaga oo howlgalna ka billaabay hareeraha Hoteelka Uunlaaye ee uu Qaraxu ka dhacay.
Mas’uuliyiinta maamulka Puntland wali kama hadlin qarax Saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee lagu dilay agaasimihii maaliyadda gobolka Mudug ee puntland iyo dad kale.