Taliyaha ciidanka boliiska magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Cali Dhuux Mahad Alle oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay magaalada Beledweyne ka bilaabi doonaan howlgal ku aadan aruurinta hubka sharci darada ah ay dadka qaar magaalada ku shexsitaan.
Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in magaalada laga mamnuucay hubka sharci darada ah, iyadoona uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo xiriir ah.
Shalay ayay aheyd markii xarunta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan uu ka dhacay kulan looga hadlayay amaanka magaalada.
Waxaana laga soo saaray amaro ku aadan in magaalada Beledweyne laga mamnuucay hubka sharci darada ah.


