Saacad ka hor ayay ahayd markii qarax Ismiidaamin ah lagu dilay Madaxii Wasaaradda Maaliyadda ee gobalka Dr. Siciid Cali Yuusuf oo ahaa nin si weyn looga yaqaanay gudaha magaalada Gaalkacyo, waxaa ayna ciidamada amaanku gacanta ku soo dhigeen dad laga shakiyey, kuwas oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Amniga.
Shaqsiga is qarxiyey ayay madaxiisa heleen ciidamada amaanka oo hadda baaris deg deg ah bilaabay, waxaana la xaqiijiyey in uu ka soo jeedo Koonfurta Soomaaliya, sidaas oo kale wararka qaar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninkaan uu horey aagaga uu qaraxa ka dhacay u joogi jirey.
Taliyaasha ciidamada amniga ee Gaalkacyo oo la hadlay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay baaris deg deg ah wadaan, haddana ay ku mashquulsan yihiin sidii dhaawacyada iyo meydka loo geyn lahaa goobaha Caafimaadka.
Ciidamada amaanka ayaa sameeyay howlgal ay ku soo qab qabteen dad la tuhunsan yahay in ay wax ka ogyihiin qaraxii dhacay, waxaana wali socda howlgallo amni xaqiijin ah.


