Guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur yare ayaa waxa uu ka hadlay qaraxii saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Waxaana uu sheegay in ninka la aqoonsaday halka uu ka soo jeedo qofka isku qarxiyay xisaabihii gobolka Mudug Alle ha u naxariistee Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare), kaas oo qaraxa lagu dilay isaga illaa 7 ruux oo ilaaladiisa u badan.
Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa waxa ay wadaan howlgallo ay ku soo qab qabanayaan dadka lala xiriirinayo qarxaas.
War goor dhow ururka Al-shabaab dhankooda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in ay ka dambeeyeen qaraxa saakay Gaalkacyo ka dhacay.


